var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Booliska Kenya oo awaamiir duldhigay Gaadiidka ku safra Lamu iyo Mombasa

0

Ilwareed Online –

Taliska Booliska ee Magaalada Lamu, ayaa amar ku bixiyay in Boolis ay ka xeystaan Gaadiidleyda ku safarta Degaanada u dhaxeeya Magaallooyinka Lamu iyo Mombasa ee Dalka Kenya.

Taliye Marwa ayaa waxuu sheegay in ujeedka ay ka leeyihiin amarkan uu yahay sidii loo xaqiijin la ahaa amaanka dadka shacabka ah ee la socda Gaadiidkaasi.

Waxaa Taliyaha uu sidoo kale amray in Gaadiidkaasi la marsiiyo koontooralada ay ku sugan yihiin Ciidamada Booliska, si marwaliba loola socdo xaaladooda amaan.

Degaano dhaca Magaalada xeebta leh ee Lamu ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay weeraro ku daatay dhiig badan, kuwaasi oo mas’uuliyadoodu ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.

Sikastaba, hadalka Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa waxuu imaanayaa xili tobanaan ruux siyaabo kala duwan loogu dilay weeraro ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.