var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Booliska dalka K/Afrika oo xir xiray dhalinyaro Soomaali ah.

Wararka ka imaanaya magaalada Johanesburg ayaa sheegay in Booliska Magaaladaasi ay xir xireen dhalinyaro Soomaali ah, lamana oga sababata Booliisku dhalinyaradaasi u xiray.


Saxaafada Koonfure Afrika ayaa qortay in Booliska Habeen hore ay Magaalada Johanesburg ka soo qabteen Saddex Soomaali ah iyo nin kale oo u dhashay dalka Malawi, waxaana lagu eedeeyay inay ka mid yihiin kooxaha dhaca ka gaysta dalkaasi.
Col. Lungelo Dlamini Afhayeenka Boliska Degmadda Gauteng, ayaa sheegay qabashada Ragan inay timid kadib Howlgallo laga sameeyay Degmooyinka Diepsloot iyo Cosmo, hadana ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, cadaaladana la horkeeni doono kooxaha la qabtay.
Dhanka kale Magaalooyinka dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa dhac loogu geystaa Soomaalida halkaasi ku Ganacsata, waxaana dhaca geysta burcad madow ah oo Koonfur Afrikaan ah.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: