var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Booliska Belgiumka oo toogtay Nin Asalkiisa Soomaali yahay oo mindi ku dhaawacay askar

Ilwareed Online

Ciidamada Booliska magaalada Brussels ee Dalka Belgiumka ayaa toogasho ku dilay nin la sheegay in uu toorey ku dhaawacay labo kamid ah Militariga dalkaasi, kadib markii uu si kedis ah u weeraray.

Ninkan oo 30 sano jir ahaa, oo haysta dhalashada dalkaasi, ayaa Asal ahaan la sheegay in uu soo jeedo Soomaaliya sida ay warbaahinta caalamku ay baahinayso, waxaana askarta uu mindida uu ku weeraray uu soo gaarey dhaawac fudud.

Dacwad oogayaasha dalkaasi ayaa sheegay in ninkan oo aan horey lagu aqoonin falalka Argagixisanimo uu ku dhawaaqayay Allahu Akbar, xiligii uu weerarka ka geysanayay meel dad badan ay socdeen oo waddo laami ah.

Go’aanka falkani ayaa loo wareejiyay maxakamada heer Federaal ah, Haweeney Afhayeen ah oo u hadashey maxakamadda Federaalka Dalkaasi ayaa sheegtay in falkaasi loo aqoon saday in uu yahay isku day fal Argagixisanimo..

Duqa magaalada Brussels Philip Close ayaa sheegay in uu jirey heegan ballaaran oo amaanka la xiriira, waxaana Amaanka dalkaasi siweyn loo adkeeyey wixii ka dambeeyey weerarkii ka dhacay magaalooyinka Paris 2015 iyo Brussels 2016.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: