var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Booliiska Istanbuul ayaa qabtay Ninkii gaystay Weerarkii Rianna Nightclub

Ciidamada booliiska Turkiga oo Mudooyinkanba waday baaritaaano ku aadan shaqsiyaadkii ka dambeeyay weerarkii Rianna Nightclub ayaa sheegey in ay gacanta ku dhigeen dambiilahii falkaasi geestay,

 

Dambiilahan ayaa lala soo xiray afar Ruux oo iyagana kamid ahaa shabakadii weerarkan Fulisay, dhalasho ahaan afartuba waxa lagu sheegay in ay ajaanib yahiin,

Booslika istanbuul ayaa caawa  sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ninkan looga shakisanyahay weerarkii lagu qaaday Rainna Nightclub Istanbuul habeenkii dabaaldaga sanadka cusub 2017ka,

 

Abdulkadir Masharipov ayaa la rumaysanyahay in uu ahaa ninkii ka dambeeyay dilkii 39,qofood ee Clupka lagu dhexdilay Bilowgii Bishan January ,

Dadkii dhibaatada kasoo gaartay weerarkaas ayaa dhalasha ahaan kasoo kala jeeda dalalka , Israel, France, Tunisia, Lebanon, India, Belgium, Jordan iyo  Saudi Arabia ,

 

Kooxda daacish ayaa sheegatay in weerarkan iyagu ka dambeeyeen,waxayna kaga jawabayeen dhaqdhaqaaqa ciidamada Milatariga Turkiga uu kawado Suuriya, waa sida hadalka ay udhigeene,

 

Booliska ayaa sheegay in uu gaari Taxi ah kasoo dagay ninkan Kahor inta uunan Rasaasta ku furin dadkii Halkaasi ku dabaaldagaya , wuxuuna dhex cararay is’dhexyaacii goobta ,isagoona dib u raacay Texi kale oo uu goobta kaga baxsaday Weerarka kadib,

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegetey in ninkan  uu guri ka kireestay Konya oo ah Magaalo dhacda Bartaha Turkiga,

 

Sidoo kale Majalada Huriyat oo uu fadhigeedu yahay Turkiga ayaa Sheegtey in ninkan udhashay dalka Uzbekistan uu Magaalada Istanbul  soo gaaray 15 December 2016-kii laba asbuuc ka Hor inta uu falka geysan,

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: