BILAWGI DHAMAADKA (BEGINNING OF THE END)

Burburki ugu weynaa ee dal soo mara ayaa soo socda iyadoo ay xowli dheer ku socoto kala orod lagu raadinaayo booska Raiisul Wasaaraha. Dadka ku baratamaaya siyaasadda waxay illaabeenin waqtiga u dhiman xukuumadda maanta jirta ay ka yar tahaymuddo lix bilood ah. Bal aan qiyaasno waxa dhici kara marka R/Wasaare cusub la magacaabo.

Waxaa billaabanaaya kala orod loo tartamaayo xilalka wasiirada. Tartanka dhexdiisa ayey dowladda Farmaajo waqtigeeda ku egyahay. Iyadoo tartanki xilalka wasaaradaha loolankoodi xoog leeyahay ayaa la weydoonaa meel wax loo wado iya cidda dalkaan xakumi doonta, mar haddii wixi dhisnaaay dumeen dowladina ay meesha ka maqan tahay.

Madaxweynaha waqtigiisi wuxuu ku egyahay inta sannadka kadhiman.. xagee dowlad laga unki karaa haddii ximinihi fulinta oodhan ay dheceen dalkina dowlad la’aan yahay?

Haddaba, waxaa meesha ka muuqda waa jaha-wareer aysan dadku dareemin, waayoo waxaa ku sifownay ummad aan u jeedin khaladka ay dowladdu ku jirto, kaddib markii uu Madaxweyne Farmaajo magacabay R/Wasaare ku meel gaar ah. Waxaa halkaan ku kulmay sharci darro lagu riday R/Wasaare Kheyre oo ah tallaabo ka baxsan dustuurka ku meel gaarkaah… iyo weliba, kadaroodibidhal, kaddib marki la magacaabay siihaye ay ciduna garaneyn sharciga loo cuskaday.

Waxaa dhabowday heesti ahayd LAMA MIIRAA LEY MUDAA WAA LAYGU MAADSADAA kaddib markisiyaasiyiinti dalka ugu culeyska badneed ay oggolaadeen wixidhacay, iyagoo sharciyeeyay kaddib markii ay doonteen in jagada R/wasaaraha la siiyo jufooyinka tartamaaya midkood.. waa khalad khalad ku sax, waana sababta adduunkaoo dhan aan ka noqonay dad lagu maadeysto oo fashal iyo wixiixunba loo nisbeeyo.

Haddaba, sidee dalkaan looga badbaadi karaa burburka soo socda? Calaamadaha lagu garto DIKTATOORKA waxaa ka mida inuu iska indha-tiro sharciyada dalka u degsan oon qaarkood lagu dhaqmin iyo kuwa ku meel gaarka ah oo xadeeya awooda madaxda dalka ka talisa.

Haddaba, waxaa iga talo ah in laga hortago xeeldaha uu adeegsanaayo M/weyne Farmaajo ee ku saleysan sidi uu jagada ku heysan lahaa sanooyin badan, sida uu jedcel yahay.  Waxaa hubaal ah inuu adeegsan doono xeelad kasta uu ku xaqiijin karo himiladiisa kuna saleysan MUDDO KORORSI.

Ugu dambeyn, meelaha ay arrimihiisu ka fuli karaan oo uu isku halleynaayo waa BAARLAMAANKA oo ku sifoobay koox aad rakhiis u ah oo meesha u jooga inay ka qaraabtaan, iyadoo aysanjirin wax mabda’ ah ay ku kala sooci karaan xalaal iyo xaaraan, qaarkoodna iyagoo og ayey u bareeraan khaladka dowladdu ku jirto, waxay rabaan waa in afka loo buuxiyo oo kaliya.

Haddaba, Madaxdi sharafta lahayd ee halkaan na soo gaarsiiyay waxaan weydiisaneynaa in, iyaga oo kaashanaaya Madasha xisbiyada iyo madaxda axsaabta kale, ay ka hortagaan lana joojiyo magacaabid R/wasaare cusub oo arrimaha la damacsan yahay iyo rajada isbeddel ee la sugaayo ku ridi doona bohol aan laga soo bixi karin...ILAAHOW NAGA SOO GAAR!!!


Axmed
Calasow





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline