Beesha caalamka oo bisha Ramadaan awgeed rajo ka qabto heshiis laga gaaro doorashada Soomaliya.

Wadamada beesha caalamka ayaa sheegay in maadama ay soo dhowdahay bisha barakeysan ee Ramadaan ay rajeynayaan in madaxda dolwadda federaalka iyo kuwa maamul gobaleedyadu uu shirkoodu ku soo dhamaado guul ayna heshiis ka gaaraan arrimaha taagan.

Beesha caalamka ayaa ku boorisay in shirka ay hoggaaminayaan madaxda Soomaalida oo isla iyagu leeyihiin uu horseedi doono in xal laga gaaro dhamaan waxyaabaha la isku hayo iyo in la oggalaado geedi-socodka heshiiskii 17-kii September ay madaxdu wada gaareen.

Heshiiskaas oo astaan u ah midnimada, naxariista iyo tixgalinta dadka kale ayaa wuxuu muujinayaa hoggaan iyo daneynta Qaranka Soomaaliya, kaas oo ay tahay in hadiyad gaar ah looga dhigo bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa lagu yiri warkaan ay soo saareen beesha caalamku.

Sidoo kale Warbixintaan ayay beesha caalamku ku sheegeen in dowladda federaalka iyo maamul goballeedyada ay ugu baaqayaan in ay ka faaiidaystaan fursadaan si ay u xaliyaan kala aragti duwanaanta jirta ayna isugu tanaasulaan si loo qabto doorasho hufan oo nabad ah wakhtigeedana ku dhacda si dalku uu horey ugu socdo meeshana looga saaro dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada .