var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Bankiga Aduunka oo ka digay in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay dad badan Gaajo ugu dhintaan.

0

Warsaxaafadeed uu sooo saaray Guddoomiyaha Bankiga Adduunka Jim Youn Kim ayuu ku sheegay in malaayiin dad ah ay khatar ugu jiraan qaar kalena ay u dhimanayaan Gaajo ka jirta dalal Afrikaan ah, taasina ay ceeb ku tahay caalamka.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Caalamka ceeb weyn ay ku tahay inay ka jawaabi waayaan baahiyaha ay qabaan dadka ku nool dalalka Nageria, Itoobiya, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay in dalalkaasi loo helo biyo iyo baad.
Jim Youn Kim ayaa sheegay in loo baahan yahay lacag dhan 1.6 Bilyan oo dollar si dadkaasi u helaan nidaam ka hortag, waxaa ku jira 870 Milyan oo looga hortagayo gaajada oo lagu dari doono 770 oo dheeraad ah.
Dhanka kale Guddoomiyaha bangiga adduunka wuxuu ka hadlay in arrintan loo baahan yahay inay iska kaashadaan dhammaan hey’adaha kala duwan sida: Bankiga iyo Qaramada Midoobay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.