var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

bangiga dhexe ee soomaaliya oo shaaca kaqaaday lacag somali cusub in dalka lakeenayo

0

Ilwareed Online –

gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo  la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in Bangigu uu ku howlan yahay soo daa bicista lacag cusub oo shilin Soomaali ah,  taas oo wax looga qaban doono lacagaha been abuurka ah ee dhibaatada ku haysa suuqyada wadanka.

wuxuu xusay in laamaha Bankiga dhexe ee magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo la diyaariyay isla markaana meelaha kale gacanta lagu hayo goor dhowna la dhameystiri doono.
“Bankiga dhexe iyo hey’adda u xil saaran waxaa ay ku howlan yihiin in lacag cusub la soo daabaco oo aan la ben abuur karin, dadka fal dambiyeedkaas lacagta been abuurka wadana in laga joojiyo arintaas,” ayuu yiri guddoomiye Bashiir, wuxuuna sii raaciyay
“Lacagta waxaa ku jira Kun, labo Kun, Shan Kun, 10 Kun, 20 Kun, waxaa kale oo laga fekirayaa xitaa 50 Kun in lagu soo daro laakiin intaan hor ayaa loo baahan yahay ayaa la yiri,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda sameyn doonto lacag ka yar Kunka Shilin, hase ahaatee waqtigana la diyaariyay oo kaliya  Kunka Shilin.

Bashiir Ciise Cali, guddoomiyaha Bankiga dhexe ayaa sheegay dadka sameeya lacagaha been abuurka ah ee loo egaysiiyey Kunka Shilin iyo inta ku gacansiisa ay dalka iyo dadka dambi ka galeen, cidii lagu soo qabto iyada oo gacanta kula jirta samaynta laacagtaas sharciga la horgeyn doono.

“Sharciga waxaa uu leeyahay qofkii lagu helo lacag been abuur ah waa 10 sano oo xarig ah waana dambi caalami ah,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Mudooyinkii dambe waxaa sare u kac laga dareemayey qiimaha quudul daruuriga ee suuyada dalka, taas oo loo aaneeyey lacago badan oo suuqyada soo galay lacagtaas oo u badneeed mid been abuur ah waxayna keentay in ay gobolo badan oo koofurta iyo bartamaha laga diido  lacagtii Shilin Soomaaliga aheyd



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.