var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Banaanbaxayaashii Habargidir oo ku hanjabay iney dilaayaan Gudoomiyaha Maxkamadda Sare

Ilwareed Online –

Magaaladda Muqdisho manta waxaa ka dhacay banaanbax xoogan oo ay dhigeen dad kasoo horjeeda xukunkii dilka ahaa ee ay maxkamada ciidamada ku xakuntay askarigii dilay Wasiirkii Howlaha guud Marxuum Cabaas.

Dadkan oo umuuqday kuwa careysan ayaa banaanbaxa ka dhigay degmooyin katirsan gobolka Banaadir, waxaana ay ugu dambeyn isugu yimaadeen Isgoyka Tarabuunka ee degmada Hodan.

“Dadkan waa dad kasoo horjeeda xukunka, waana mid cadaalad daro ah oo aanan la qaadan doonin”ayuu yiri mid kamid ah dadkii banaanbaxa ka qeyb galay.

Wararka ayaa tilmaamaya in dadkan banaanbaxa ay ka soo jeedaan beesha Habar Gidir oo kamid ah beelaha Hawiye, waxaana ay tilmaameen in madaxda dowladda ay cadaalad daro uhorseedeen kiiska askariga.

Ma ahan markii ugu horeeyay oo banaanbaxyo iyo kulamo looga soo horjeedo xukunka ay ka dhacaan Muqdisho, waxaana la sugayaa jawaabta ay dowladu ka bixin doonto.




Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: