var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Banaanbax Balaaran oo lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ka Socda.

0

Waxaa Magaalada Muqdisho ka soconaaya Banaan bax lagu taageerayo boqolka maalmood ee Madaxweyne Farmaajo oo la doortay 8-dii bishii February.

Banaanbaxaan lagu Taageerayo madaxweyne Farmaajo ayaa ka socda  Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Banaadir ee degmad C/casiis, waana kii ugu horeeyay ee lagu taageerayo waxqabad Madaxweyne Dowladeed oo ka dhaca Muqdisho.

Waxaa ka soo qeyb galay Banaanbaxaasi Mas’uuliyiin ka Tirsan dowladda Soomaaliya oo ugu horeeyo madaxweyne Farmaajo, iyo shacab aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa horay u balan qaaday in khudbad u jeedinayo shacabka Soomaliyeed, iyadoo Boqolkii maalmood ee Madaxweyne Farmaajo xafiiska joogay ay dadka qaar tilmaameen in waxyaabo kala duwan u qabsoomeen dalka, halka dadka qaarkiina ay dhaliilaan safarada badan ee Madaxweynuhu galay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.