var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Banaanbax balaaran oo goordhaw ka dhacay magaalada Cadaado

Ilwareed Online

Waxaa goordhaw magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ka dhacay banaan bax lagu taageerayay Go’aankii Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Gelle uu ku taageeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Banaan baxan waxaa soo abaabulay masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug oo ku sugan magaalada Cadaado, waxaana dadkii kasoo qeyb galay banaan baxaasi loo dhiibay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo lagu taageerayay Go’aankii Xaaf.

Wadooyinka magaalada Cadaado ayey socod kusoo mareen banaan baxayaasha oo u badnaa caruur iyo haween, waxa ayna ku dhawaaqayeen ereyo ay ku tagaeerayaan Go’aanka Xaaf ka qaatay Xiisada Khaliijka.

Banaan baxa maanta ka dhacay magaalada Cadaado ayaa lagu soo waramayaa in Madaxweynaha uu lacag badan ku bixiyay sidii uu u qabsoomi lahaa, waxaana banaan baxan oo kale horey looga dhigay Konfurta magaalada Gaalkacyo.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: