var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Axmed Daaci “In Gobolka Banaadir kaliya Hubka laga qaado waa la yaab, Hub dhiibi meyno ilaa Al-Shabaab Dalka laga saarayo..”

0

Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) ayaa nasiib daro ku tilmaamay go’aanka hubka looga aruurinaayo Mas’uuliyiinta Hubeysan ee aan ka mid ahayn Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowladda ka tirsan.


Axmed Daaci ayaa sheegay in dowladda Federaalka laga doonayo in Al-Shabaab hubka ka dhigto, isagoo sheegay in hadii dadka heysta qorigii ay amnigooda ku sugayeen laga qaado si kale loo fasiranayo.
“Ma lahan Dowladda xeryo hubka lagu uruuriyo, ninka qoriga amnigiis ku sugaya hadii inta gurigisa isagoo u socda wadada loo galo, qorigana laga qaado, Shabaabna uu jidka u joogo oo uu dilayo, arrintaas sax ma ahan”ayuu yiri Axmed Daaci.

Dhanka kale Axmed Daaci ayaa si cad u sheegay in Gobolka Banaadir kaliya ay ka jirto, in qof qori heysta oo amnigiisa ku sugaya in laga qaado, balse aanay gobolada kale la qabin arintaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.