var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Australia oo loogu baaqay joojinta xariga Muhaajiriin ay ka mid yihiin Soomaali

0

Ilwareed Online –

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Dowladda Australia in ay joojiso xariga ka dhanka ah muhaajiriinta magangalyo doonka ah ee ku qul qulya qeybo ka mid ah Dalkaasi.

War ka soo baxay Madaxa Hay’adda UNHCR, Filippo Grandi ayaa lagu xusay in ka badan 2 kun oo muhaajiriin ah, in ay dhibaatooyin kala duwan ku wajahaan xabsiyo ku yaalla Dalkaasi.

Warkaan ayaa sidoo kale lagu qeexay in dadka lagu dhibaateeyay Dalka Australia ay ka soo jeedeen Soomaaliya, Afghanistan, Darfur, Pakistan, iyo Syria.

Madaxa UNHCR, Filippo Grandi ayaa waxuu sheegay in Dowladda Australia ay ku soo wargelisay Hay’addiisa in aysan aqbali doonin muhaajiriin kale oo dheeraad ah kuwaasi oo yimaada qeybo ka mid ah Dalkaasi.

Ugu dambeyn, Waxaa uu shaaca ka qaaday in UNHCR ay qorsheeneyso in muhaajiriinta ku sugan Dalkaasi la geyn doono qeybo ka mid ah Dalka Mareykanka.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.