var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Askari ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo Somalia lagu dilay

Askari ka tirsanaa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee qeybta Jabuuti ayaa duhurnimadii maanta waxaa lagu dilay Magaalada Buulo-burde ee Gobalka Hiiraan.

Askarigan ayaa xilligii la dilayay waxa uu ku sii jeeday xero ciidan oo ku taalla dhinaca galbeed ee magaalada, waxaana si gaadmo ah u toogtay Rag ku hubeysnaa Bastoolado, sida ay sheegeen dadka Degaanka.

Howlgal ay Ciidamada ka sameyeen goobta ay toogashadu ka dhacay ayey ku soo qabteen dad ka ag dhowaa halka lagu dilay askariga AMISOM ka tirsanaa.

 Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Djibouti ayaa xaqiijiyay dhimashada Askarigan, iyagoo sheegay in la soo qabtay nin hubeysan oo loo maleynayo inuu ka mid ahaa kuwa dilka geystay.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: