var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo goordhow lagu dilay Muqdisho

0

Waxaa daqiiqado ka hor lagu dilay Xaafadda Xaawo Taako ee degmada Wadajir Asakari ka tirsan Ciidamada Dowladda, iyadoo falkaasi dilka ah ay ka dambeeyeen Kooxo hubeysan.

Askarigaan ayaa ka tirsanaa Ciidamada Asluubta, lamana oga sababta rasmiga ee dilka askariga ka dambaysay, hase yeeshee dadka Xafadaasi ayaa ka xumaaday falkaasi lagu dilay Askariga.

Kooxaha dilay dilka gaystay ayaa la sheegay in Askariga oo ku sugnaa meel ku dhow laamiga Xaawo Taako inay xabado ku fureen askariga,kadibna ay goobtaasi ka baxsadeen.

Dhanka kale Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray waxaana halkaasi ay ka wadaan howlgallo lagu raadinaayo xog ku saabsan sidii ay ku soo qaban lahaayeen kooxihii falkaasi ka dambeeyay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.