var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Askar Puntland ka tirsan oo lagu dilay degaanka Afurur

Ilwareed Online

Inta la hubo 3 Askari ayaa ku dhintay tiro ka badan 10 kalena way ku dhaawacmeen Qarax miino oo maanta loo dhigay ciidamo ka tirsan Puntland tuulada Af urur ee buuraha silsilada Golis ka dib markii qarax loogu xirey ciidanka goob balbalo ah oo ay qaad ku qeybsadaan maalin kasta.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay dhimashada 3 askari oo mid ka mid ah sarkaal yahay iyo dhaawaca in ka badan 50 qof oo shacab ah.

Kharaasaha weerarkan oo la rumaysan inay soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Alshabab waxa uu soo gaarey dad shacab ah oo tiradoodu kor u dhaafayso 50 qof xilli ay maanta ciidayeen dadku.

Sarkaal ka gaabsadey magaciisa ayaa sheegay in labo qarax iyo rasaasta hubka hoobiyaasha loo adeegsaday weerarka maanta ka dhacay tuulada Af urur ee buuraha silsilada Gobolis.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: