var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Askar Kiinyaan ah oo ku geeriyootay miino dhulka loogu aasay

0

Afar ka tirsan ciidanka Booliska Kenya ayaa lagu diley bariga dalkaas meel ku dhaw degmada Gaarisa, maanta oo Arbaca ah, kadib markii gaarigii ay wateen ay la kacdey miino, waxaa la aaminsan yahay in weerarkan ay ka danbeeyeen ureurka al-Shabaab.

Askarta la diley ayaa la socdey kolonyo gawaari ah oo waardiye ka hayey xuduudka Kenya la wadaagto Soomaaliya, waxaana mid kamid ah saddexda gaari ee kolonyada ah la kacay miinada dhulka lagu aaso ee IED, sida uu warbaahinta u sheegay Maxamuud Cali Saalax oo kamid ah Komishanka Waqooyi bari ee Kenya.

Hay’adda Laanqeysrta cas ee Kenya ayaa sheegtey in weerarkan ay ku dhaawacmeen 8 askeri oo kale oo gaariga saarnaa.

Boqolaal askeri oo ka tirsan ciidanka Kenya ayaa lagu diley weeraro toos ah iyo kuwo miino loo isticmaaley tan iyo markii ciidanka KDF ay gudaha u galeen Soomaaliya sanadkii 2011.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.