Aroos wadareedka dabargoynta Isirtakoorka oo ka dhacay Jigjiga,

Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya waxaa lagu qabtay Aroos wadareed ujeedadiisu ahayd sidii loo dabar goyn lahaa isirtokoorka lagu sameeyo qaar ka mid ah qabiillada Soomaalida.

Munaasibadda ARoos wadareedka oo ka dhacday magaalada Jigjiga waxaa la isu aroosiyay 29 Lamaane kuwaas oo iskood isu xushay hayeeshee loo fududeeyay guurka.

Lamaanayaashan ayaa ka soo kala jeeda Beelaha la takoori jiray iyo kuwa wax takoori jiray,waxaana munaasibaddaasi laga lahaa in la dhameeyo heyb sooca lagu sameeyo Qabiillada qaar.

Xafladda Aroos wadareedka waxaa ka qeyb galay Madaxda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya,Odayaasha Dhaqanka,Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo dadweyne kala oo la casuumay.

Madasha ayaa lagu soo bandhigay ciyaaro dhaqameed kala duwan oo inta badan xoogga lagu saarayay dabar goynta heyb sooca,waxaana Xafladda kaddib Lamaanayaasha 29ka ah u duceeyay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Aroos wadareedkan waxaa uu ka mid aha Qodobo ka soo baxay shirweynaha 11aad ee dowlad Degaanka iyo shacabka Ismaamulka oo horay uga dhacay Magaalada Raaso,iyada oo ujeeddada ugu weyna tahay mideynta Qabiillada Somalida ah.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline