var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ardayda Muslimiinta Shiinaha oo laga tarxiilayo dalka Masar

0

Ciidamada amaanka ee dowlada Masar ayaa bilaabay raaf iyo tarxiilka ardayda muslimiinta ee kasoo jeeda dalka China oo waxbarashada u soo raadsaday wadankaasi Masar.

Ardaydan oo u dhashay qowmiyada Uighur oo kasoo jeeda gobalka Xinjiang ee Galbeedka dalka China ayaa waxbarashada dhanka diinta tagi jiray dalka Masar gaar ahaan Jaamacada Al Azhar.

Illaa iyo hada in ka badan 20 arday oo wax ka dhiganeysay Jaamacada Al Azhar ayaa xabsiga la dhigay iyadoo la sheegay in loo tarxiilo doono dalka China.

Dowlada China oo cadaadis ku heysa muslimiinta ku nool gobalka Xinjiang ayaa la sheegay inay ka codsatay Xukuumada Masar ee Cabdifatax Al Sisi inay usoo qabato una soo gacan geliso dhamaan ardayda u dhashay dadkaasi ee ku sugan Jaamacada Azhar.

Maamulka Xinjiang ee China ayaa dhawaan soo saaray amar ah in ay dalkooda kusoo noqdaan dhamaan qurbo joogta Uighur, iyagoo ku eedeeyey in qaar badan oo kamid ah ku lug leeyihiin xiisada ka taagan gobalkaasi oo ay muslimiinta uga soo horjeedaan amarada xukuumada China.

Sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxa sare usii kacayey weerarada ka dhaca gobalka Xinjiang oo ay geystaan muslimiinta ka careysan dhul boobka ay ku hayaan qawmiyada China ugu badan ee Han oo gobalkooda soo buuxiyey iyo waliba cadaadiska dhanka diinta ah oo ay dowlada China duldhigtay Muslimiinta.

Ardayda muslimiinta ee waxbarashada usoo raadsaday Masar ayaa hada bilaabay inay ka cararaan jaamacadihii ay ku jireen iyagoo doonaya inay u baxsadaan dalka Turkiga oo isagu soo dhaweeya muslimiinta kasoo cararta China, waxaana la sheegay in booliiska Masar ay qaar badan oo kamid ah ardaydaasi ka qabteen magaalada xeebta ku taal ee Alexandaria.

Hay’adaha u dooda dadyawga kasoo cararay wadamada laga ugaarsanayo ee loo yaqaan (Unrepresented Nations and Peoples Organization advocacy group) ayaa sheegay in Khamiistii shalay oo kaliya ku guuleysteen inay 60 arday ka caawiyaan inay u baxsadaan dalka Turkiga.

Dalka Masar ayey ku noolaayeen 7000 illaa 8000 muslimiinta China kuwaasi oo u badnaa Arday, waxaana la sheegay 90% dadkaasi hada lagu celiyey wadanka China, kadib markii bishii Janaayo ee sanadkan 2017 dadkaasi xukuumada China ku amartay inay dalkooda kusoo noqdaan.

Xukuumada Cabdifatax Al Sisi ayaa hada kamid ah xulafada Sacuudiga ee xayiraada saaray Qatar oo sheegay inay la dagaalamayaan Argagaxisada oo ay ku sheegeen xisbiga Ikhwaanka iyo Xamaas ayaa hada u muuqda inay dar dar geliyeen raafka ka dhanka ah muslimiinta reer China si ay u qanciyaan Xukuumada Beijing.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.