var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Albright ‘oo diyaar u ah in lagu qoro diiwaanka Muslimiinta Maraykanka’

0

Xoghayihii hore ee dalka Maraykanka iyo aktarada jishay shactirada Big Bang Theory ayaa labadooduba sheegay in ay Muslim ahaan isu diiwaangalin doonaan haddii madaxweyna Donald Trump uu sameeyo diiwaangalin u gaar ah Muslimiinta Maraykanka.

Madeleine Albright oo siyaasiyad ah iyo Mayim Bialik ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin “diiwaangalintaas” iyaga uga gol leh in ay ka soo horjeedaan qorshaha madaxweynaha.

 

Albright oo ah haweenaydii u horaysay ee Maraykanka ka noqota xoghaye arrimo dibadeed ayaa Twitter-keeda ku soo qortay in madhabta Kaatoligga lagu barbaariyay gadaalna ay ka ogaatay in qoyskeedu uu Yuhuud yahay.

Waxaan diyaar u ahayn inaan Muslim ahaan isu diiwaangeliyo aniga oo garab istaagaya ayay ku soo qortay Twitter-keeda, tobanaan kun ayaana muujiyay in ay arrintaas u bogeen iyaga oo ku muujiyay calaamadda Suultaagidda ama Like saaray.

Hadalkeedan ayaa yimid iyadoo la isla dhexmarayo in madaxwaynuhu uu sixiixi doono in baaritaan adag la sameeyo, qaxootigana la mamnuuco, lana mamnuuco in dadka ka imanaya todobo dal oo ay ku jiraan Suuriya, Yemen iyo Ciraaq.

Laakiin lama soo hadal qaadin in bilaha soo socda la diiwaangelin doono Muslimiinta Maraykanka, arrintaas oo Trump uu sheegay in uu dhaqangelin doono mar uu wareysi bixinayay sanadkii 2015kii, laakiin markii dambe wuu iska fogeeeyay hadalkaas.

Tiro dad ah ayaa wacad ku maray in ay Muslimiinta Maraykanka garab istaagi doonaan ka dib doorashadii madaxweynaha Maraykanka ee bishii Nofembar.

Laakiin waxay u muuqataa in Twitter-ka Albright uu dad kale ku dhiirigaliyay in ay ka hadlaan mawduucan, waxaana ka mid ah Bialik oo aan la gabanin dhaliisha ay Trump u hayso.

 

 

Haweenaydan aan hadalka la gabanin ayaa tiri “haddii aan diiwaangelinayno dadka aan u malaynayno in ay halis yihiiin, sidoo kale diiwaangeliya ragga caddaanka ah maadaaama oo ragga caddaanka ah ay u badan yihiin dadka rasaasta darandooriga u dhacda adeegsada ama dil wadareedyada sameeya.”

Waxaa lagu soo waramayaa in madaxwaynuhu uu soo saari doono awaamiir cusub Khamiista.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.