var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Al-Shabaab oo xalay dhowr jiho ka weerartay Degmada Baraawe iyo Gudoomiyaha Degmadaasi oo dagaalamay.

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab xalay weerar ku qaadeen magaalo xeebeedka Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarka xalay ee Shabaabka ayaa ahaa mid xooggan,waxayna dhowr jiho ka weerareen degmadaasi, iyadoo gudaha u gashay sida dadka deegaanka xaqiijiyeen.
Al-Shabaab ayaa meelaha ay ka weerareen Baraawe ka mid aheyd dhanka Xeebta, iyagoo gaaray illaa saldhiga magaalada Baraawe, Guddoomiyaha degmadaasi Cumar Madoobe ayaa warbaahinta u sheegay inay iska caabiyeen Al-Shabaabkii xalay soo weeraray, iyagoo tilmaamay in haatan ay ku daba jiraan raadkooda.
Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in isaga qudhiisa uu ka mid ahaa ciidankii xalay la dagaalamay, wuxuuna cadeeyay inay khasaare u geysteen, iyadoo warar kalana ay sheegayaan in Shabaabka ay ka gubeen ciidanka dowladda labo gaari.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: