var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Al-Shabaab oo soo Bandhigay magacyada saraakiil ay sheegeen inay ku Dileen Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Bariire

Ilwareed Online

Ururka Al-Shabaab ayaa faafiyay magacyadda saraakiil ay sheegeen inay ka tirsanaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Mareykanku tababaray oo lagu dilay weerarkii shalay ka dhacay Deegaanka Bariire.
Wararku waxay kaloo sheegayaan in Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa qarxiyeen Buundada Bariire oo ahayd tan qura ee la isaga gooshi jiray deegaankaasi, kdib markii ay Miino ku xireen.


Hadaba waa kuwaan Magacyada Saraakiisha Al-Shabaab ay sheegeen inay ku dileen Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Bariire:
1- Maxamed Cali oo ka mid ahaa saraakiishii ku sugneed Saldhigga degaankaBariire.

2- Xuseen Maxamuud Caddaan oo ku magac dheeraa Afraxoow wuxuu ahaa sarkaal Balidoogle lagu tababaray
3- Cali Xasan oo ahaa Taliye Horin kana mid ahaa saraakiisha degaanka.
4- Faarax Yare oo ahaa sarkaal ka tirsan maleeshiyaatka sida gaarka ahMareykanka u tababaray.
Dhanka kale ma jirto wax war ah oo xaqiijinaaya dilka Saraakiishaan oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, marka laga reebo sheegashadooda.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.