Al-Shabaab oo Shaqaale u shaqeynaayay Hay’adda WHO ka Afduubtay Gobolka Gedo

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa la sheegay in 4-Qof oo Samafaleyaal ah oo u shaqeynaayay Hay’adda Caafimaadka Adduunka Ee WHO ka Afduubteen Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Tuulo u dhow Degmada Luuq ay Al-Shabaab ka Afduubteen Afartaas ruux ee ka shaqeynayay Howlaha Samafalka.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa dhowr jeer Afduub u geystay Shaqaale ka shaqeeya Howlaha Samafalka,iyadoo aan la ogeyn illaa iyo hadda halka ay la aadeen shaqaalahaasi a afduubteen