var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Al-shabaab oo shaacisay inay qabteen Ajaanib iyaga ka bar bar dagaalamayay oo sirdoonka Keya Macluumaad ugudbin jiray.

Ilwareed Online

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa markii ugu horaysay shaaciyay magacyada rag u dhashay dalka Kenya oo iyaga ka tirsan, kuwaasi oo ay magacyadooda ku sheegeen Hashim Cusmaan Shelali, Cabdi Casiis Mukayo iyo Cabdallah Talaal Muuse.
Ragaan Kenyaan u dhashay ee sadaxda ah ayaa ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana Shabaabku waxay sheegeen in ragaasi ay in muddo ah la shaqeynayeen ururkooda.


Saddexda Nin ayaa muddo dheer la shaqeynayay Al-Shabaab,waxaana ay sheegeen in Macluumaad badan ay u gudbiyeen Sirdoonka Kenya oo ay la shaqeyaan si ay Xog uga helaan Gudaha Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa war ay faafisay ku sheegaty in Raggaas Qaarkood la qabtay iyagoo baxsad ka ah Al-Shabaab, halka qaarkood la sheegay inay ka baxsadeen Shabaabka.

Dhanka kale dhowr Jeer ayay Al-Shabaab dileen Ajaanib ka Barbar dagaalanta,waxayna ku eedeeyeen inay u shaqeynayeen Sirdoonka Reer Galbeedka iyo Dowladaha Dariska la ah Soomaaliya, lamana hubo ragaan inay dili doonaan iyo in kale.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.