var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Al Shabaab oo qarxisay Buundadii Bariire

Ilwareed Online

Al Shabaab ayaa saakay weerar xoogan oo isugu jira ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday Deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, deegaankaas ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa saakay la wareegay saacado kooban qeybo kamid ah deegaanka Bariire, waxaana Al Shabaab ay jareen qaraxna ku xireen Buundada Deegaankaasi si aysan u isticmaalin gaadiidka gurmadka Ciidanka dowlada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Milatariga ayaa gaaray Deegaanka Bariire markii uu dagaalka joogsaday kadib, waxa ayna xubnahan u kuur galayeen khasaaraha ka dhashay dagaalkii saakay ka dhacay Deegaankaasi.

Taliyaha guutada 20aad ee ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo tagay deegaanka Bariire ayaa sheegay in Ciidanka Milatariga iska caabiyeen Weerar uga yimid Al Shabaab, waxa uuna tilmaamay in weerarkaasi khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalyahanadii soo weeraray.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in xaalada deegaanka Bariire ay tahay mid dagan lagana saaray Dagaalyahanadii Al Shabaab ee saakay weerarka kusoo qaaday.

Dagaalkii saakay ka dhacay Deegaanka Bariire ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac ee dagaalamay, waxaa sidoo kale dagaalkaasi lagu qabsaday hub iyo gaadiid dagaal.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.