var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Al-Shabaab oo Oday 82 sano Jir ah ku toogtay Fagaare ku yaala Degaanka Owdheegle.

0

Ururka A-Shabaab ayaa meel Fagaaro ah ku toogtay Odey 82-sano jir ahaa Kaasoo la sheegay in uu ka mid aha ergadii soo Dooratay maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya.
Al-Shabaab ay sheegay in odeyga ay dileen uu Qirtay inuu ka mid ahaa Ergadii soo Dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Odayga la dilay ayaa waxaa lagu dilay fagaare ku yaala Degaanka Owdheegle, iyadoo odaygaan lagu magacaabi jiray Cismaan Diini Cali.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay inay iyagu dileen odaygaasi, waxayna cadeeyeen inay iyagu ka mas’uul yihiin Dilalka Loogu Geysto dalka ergadii soo Dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.