var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Al-Shabaab oo guul ka sheegatay dagaal ka dhacay Buula Gaduud

Ilwareed Online

Aroornimadii hore ee saaakay ayaa Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar ku bilaawday qarax Ismiidamin ah ku qaadeen deegaanka Buula Gaduud ee gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay Gacanta ku hayaan Ciidamada Jubbaland.

Dagaal qaatay mudo ka badan 2 Saacadood ayaa Buula Gaduud ku dhexmaray ciidamada Shabaab iyo kuwa Jubbaland in kastoo aan la ogeyn ilaa iyo hada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas.

War qoraal ah oo ay Barta Internet-ka soo dhigeen Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in ay deegaankaas kala wareegeen Ciidamada Jubbaland sidoo kalena ay ka qabsadeen gaadiidka dagaalka iyo waliba Saanad Meleteri intaba.

Dhanka kale weli Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland kama hadlin weerarka Ismiidaaminta ah ee lagu qaaday deegaanka Buula Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose iyo khasaaraha dhankooda ka soo gaaray.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.