Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Al Shabaab oo Gaari ka soo afduubtay Dalka Kenya

Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Gaari ay ka soo afduubteen Xadka ay u dhaxeeye Dowladda Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, Sahal Macalin Maxamuud, ayaa sheegay in Xoogaga Al Shabaab ay soo afduubteen Gaari ay saaran la socdeen Muwaadiniin Kenyaan.

Mr. Sahal ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay kula Dagaalameen Xoogaga Al Shabaab oo ka yimid dhanka Degmada Ceelwaaq ee Dalka Kenya.

Si kastaba, Xoogaga Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Gaarigan ay la aadeen Degaano ka tirsan Gobolka Gedo oo ay iyagu gacanta ku hayaan.

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...