Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Al-Shabaab oo dad u badan odayaal ku xirxiray Degmada Owdheegle ee Gobalka Sh/Hoose

Ilwareed Online –

Degmada Owdheegle ee gobalka Sh/hoose ayaa la soo sheegayaa in Al-shabab ay ku xirxireen dad ku dhow 100 qof oo u badan dhalinyaro iyo Odayaal ka mid ahaa dadkii shalay isukugu soo baxay magaalada markii ay galeen ciidamada dowladda Somaliya.

Dadka deegaanka oo diiday in magacooda iyo codkoodaba loo adeegsado Warbaahinta ayaa xaqiijayay Odayaasha la xiray qaarkood loogu tegay Guryahooda loona sheegay in loo baahanyahay.

Waxa la sheegay in dadka hada xiray ay ka badanyihiin 69-qof, lama oga halka lagu xiray laakiin dadka deegaanku waxa ay sheegayaan  shababku ay in ay dib u dayac tiranayaan Saldhigyadii Owdheegle oo shalay ay bur-buriyeen ciidamada Dowaladda ee gaarka u tababaran.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay madaafiic ku gareeceen Degmada Owdheegle, waxaana kacsan xaalada Magaalada tan iyo markii ay Galeen Shalay Ciidamada Dowladda.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...