Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Al-Shabaab oo Albaabada isugu dhuftay Garoon Kubadda Cagta lagu ciyaaro oo Muqdisho ku yaala.

Ururka Al-Shabaab ayaa Hanjabaad ay soo saareen waxaa lagu xiray Garoon Salax Kubadda Cagta lagu ciyaaraayay oo ku yaalla Xaafadda Shiirkoole ee Mgaalada Muqdisho.

Garoonkaan oo si wayn dadka ay u garanayaan, ayaa dhalinyaradii ku ciyaareysay waxay sheegeen amar ka soo baxay Shabaab in lagu soo wargeliyay, taasi oo aheyd in la xiro Salaxa.

Wuxuu ahaa Garoonkaan Salaxa ah mid sanado badan dhalinyarada ay ku ciyaari jireen, waana markii ugu horeysay oo Shabaab ay xiraan, iyadoo halkaasi uu ka socday tartan kubadda Cagta ah oo ay wada ciyaarayeen dhalinyaro kala duwan oo ka socda Xaafadaha Degmada Hodan.

Dhanka kale Dhalinyarada gacanta ku haysa Salaxan, waxay sheegeen in Shabaab ay u soo direen Taleefoon laguna wargeliyay kaliya inay xiraan Salaxa, loomana sheegin sabab kale, waxayna Xoogaga Shabaab ay horay u xireen Salaxyo Kubadda Cagta lagu Ciyaaro oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline
Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...