var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ahlusunna oo ku dhawaaqday inay dagaal ku qaadeyso maleeshiyo ku sugan degaanka Xeraale

Ilwareed Online –

Mascuud Maxamed Warsame oo Sarkaal ka tirsan Ahlusunna waljamaaca ee Gobalada dhexe, Sidoo kalane hogaaminaya dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Xeraale ayaa shirjaraa’id uu halkaasi ku qabtay xeraale waxa uu Iclaamiyay dagaal ka dhan Maleeshiyadii dhawaan ay kula dagaalameen Xeraale.

Sarkaal ayaa sheegay in aysan u dul qaadan doonin Maleeshiyada ka talisa degmada waxa uuna ku amray in ay isaga baxaan deegaanka Xeraale ama ay wajihi doonaan dagaal sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayaa la sheegay in uu joogsaday Wadahalkii u socday labada dhinac ee Ahlusunna iyo Maleeshiyo iska Abaabulay Gudaha Xeraalle.

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa labada dhinac ayaa dib u soo laabtay waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaasi dib uga bilaawdo kaas oo u dhaxeeya labada dhinac.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: