var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Agaasiye Koofi: “Waxaan joojinay Baasaboorka Online-ka, waxaana ugu baaqayaa muwaadiniinta inay ilaaliyaan…”

Ilwareed Online –

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii uu xilka la wareegay sanad ka hor, wuxuuna si gaar ah uga hadlay arrimaha socdaalka, Baasaboorka Soomaaliga ah qaababka ay ku heli karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo arrimo kale.

Waxa uu sheegay Agaasime Koofi in maamulkiisa uu ku guuleystay horumarinta adeegyada dhinaca socdaalka iyo jinsiyadda, iyo sidii dalalka caalamka u aqoonsan lahaayeen Baasaboorka Soomaaliya oo uu sheegay in dalalka caalamka qaarkood ay aqoonsadeen, halka dalalka aan weli aqoonsan ay Visaha oo xaashi ah dhexda ka geliyaan Baasaboorka Soomaaliya.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya in la joojiyay habka Online-ka ee lagu bixinayay Baasaboorka, isagoona sheegay in arrintaas sababo amni darteed ay la xariirto.

“Waxaan joojinay Baasaboorka Online-ka lagu qaadanayo sababo amni dartood, hase yeeshee muwaadinka la siinayo Baasaboorka waxaa looga baahan yahay in laga qaado faro, in la xaqiijiyo sawirkiisa saxda ah” ayuu yiri Agaasime Koofi oo la hadlayay Telefishanka Dowladda SNTV isla markaana dadweynaha uga jawaabayay su’aalo ku saabsan arrimaha socdaalka.

“Mudadii aan xafiiska joogay waxyaabo badan ayaa inoo qabsoomay, waxaa bixinay tababaro la siiyay in ka badan 100 shaqaale, in markii u horeysay imtixaan loo galo shaqooyinka ka banaan hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda, taasna waxay fursad siisay in ardaydii dalka wax ku baratay inay Imtixaan u galaan”ayuu yiri Agaasimaha Hey’adda Socdaalka.

Waxaa uu sheegay in baasaboorka Soomaaliga uu haatan gaaray in Dunida oo dhan laga aqoonsado, waxaa uu tilmaamay in shanta qaaradood ee caalamka lagu tagi karo.

Waxaa uu sheegay in waxyaabaha suura geliyay in Baasaboorka Soomaaliga aqoonsadaan dowladaha Caalamka inay tahay tayadiisa oo aad u wanaagsan laguna qancay, amni ahaan, isagoo tilmaamay in hada ay dadaal ugu jiraan sidii qaar ka mid ah dalalka waqooyiga Ameerika looga aqoonsan lahaa.

Dhinaca kale hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa sanadihii u dambeeyay sameysay horumaro badan, waxaana hey’addu ay haatan bilowday inay la jaan-qaado nidaamyada casriga ah ee ay ku shaqeeyaan Hey’addaha Socdaalka Adduunka, kaddib markii shaqaale badan lagu soo tababaray dalka dibaddiisa kuwaasi oo haatan si habsami leh u shaqada u wada.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: