var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Agaasimihii guud ee Wasaaradda Boostada oo shaqo joojin lagu sameeyay (Akhriso)

0

Ilwareed Online –

Wasiirka Wasaaradda Boostada, isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi kaddib qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Agaasimaha Wasaaradda Boostada Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Xaaji Cabdi ayaa loo cuskaday sababaha shaqo joojinta loogu sameeyay curyaamin howlaha Wasaaradaasi iyo amar diido talooyin loo jeediyay.

Shaqo joojinta lagu sameeyay Agaasimaha ayaa ku soo beegantay xilli uu fasax shaqo ku maqnaa, iyadoo lagu eedeeyay inuu ciidamo fara badan oo dheeraad geeyay xarunta Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.