var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Afghanistan Weerar Dad Badan Lagu Laayay oo Ka Dhacay Masjid Ku Yaala Magaalada Herat

Ilwareed Online –

Qarax iyo Weerar toos ah ayaa lagu qaaday dhismaha masaajid ku yaalla magaalada Herat ee dalka Afghanistan, waxaana weerarkan lagu dilay dad badan oo kamid ahaa Jameecadii masjidkaasi ku cibaadeesaneysay.

Weerarka Masjidka Jawadia lagu qaaday salaadii Cishaha ee xalay ayaa ku bilowday qarax uu isku soo xiray qof ismiidaamiyay, waxaana qaraxa kadib masjidka gudaha u galay nin hubeesan kaa oo rasaas la beegsaday dadkii qaraxa ka bad baaday.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhintay ilaa 30-qof halka tiro kale oo badana ay ku dhaawacmeen, waxaama gudaha masjidka yaala dhiig badan oo ka qubtay jamecadii masjidkaasi ku sugneed ee weerarka lagau qaaday.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in ay sii kordhaan khasaaraha dhimasho ee weerarkan ka dhashay, waxaana xarumaha caafimaadka lagu daweenayaan dad ka badan 60-qof oo qaarkood qabaan dhawacyo culus sida ay sheegeen Saraakiisha dowlada.

Masjidka la qarxiyay waxaa iska lahaa Shiicada kunool magaalada Herat, waxaana magaaladan oo kutaala xadka Afgaanistan la wadaago dalka Iiraan lagu tiriyaa magaalooyinka ugu amaanka badan ee kuyaala dalka Afgaanistan.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: