var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Afar ruux oo lagu diley degaano ka tirsan gobolka Galgaduud

Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay ku dileen deegaanka Kaxandhaale ee gobolka galguduud afar ruux oo rayid ah.

Afarta ruux ee la dilay ayaa la sheegay inay ahaayeen reer guuraa iyadoo wararka ay sheegayaan in loo diley aano qabiil.

Lama oga sababta dhabta ah ee loo diley raggan hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in dadka la dilay ahaayeen xoolo dhaqato.

Dilalka ka dhaca gobolka Galgaduud ayaa badankood ah kuwo aano qabiil ah iyadoo uu dib u soo cusboonaado colaad iyo dhibaato u dhexeeyo beelaha walaalaha ah ee degan gobolkaas.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: