var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

ABAARAHA: DHACDO MAR WALBA I HORTAALA!

Waxaan Tegay meelo badan oo ay Abaaraha Sameeyeen oo ay weliba ka jirtay Biyo La’aan Xooggan, Waxaa igu Xanuun badneyd markii ay gabar Joogtay Goob ay Biyo-dhaamin ka waday Gift of the Givers oo igu tiri, Walaal waxaa jirta Duq biyo dhaansan jirtay oo Xanuunsatay biyo haysan oo aan socon karin Macquul ay tahay in Haraad ay u dhimato maadama wax biyo u dhaamiya aysan qabin dadkeedana ay hadda ka hor cuduro iyo Abaar ku dhamaadeen “Walaalkeey Biyo u geeya anigoo Xaamilo ah ayaan inteydaan la xarbinaayaa Mudulkaas ayay degan tahay – Waxaan ku dhahay noo geey.

Waan tegay meeshii ay joogtay, waxaan siiyay biyaha sifaysan oo gaariga ii saarna anigoo ka baqay biyahii caagaga ku jiray ee booyadda oo kuleyl ila muuqday. Hooyadii markii Cabtay 1.5 LTR Duco ayay noo gashay ” Rumayso Maamadaas waxaa isla garanay aniga Saaxibada inaan agteeda joogno muddo 2 saac ah iyadoo faraxsan jawiga aan ugu tegnay markii hore mid ka wanaagsan ayaan ku soo macasalaameynay.

Waxaana soo xasuustaa hadda markaan arko cunto wanaagsan iyo biyo badan oo la qasaarinayo way ii soo sawirantaa nolosha aan ku soo arkay hooyadaas way igu soo dhacdaa in dhinaca kale ay dad u dhib qabaan oo noloshooda adag tahay, Fadlan qof walbo Soomaali ah la soco Noloshadaada haddii ay tahay mid barwaaqeysan inay Dad kale oo walaalahaa ah ay ku jiraan marxalad Abaar ah oo ay u dheer tahay Haraadka iyo Caafimaad xumo, Gacan kasta oo aad gaysan kartana gayso si adigoo dharagsan walaalkaagana gaajaysan yahay aysan kaa raacin Dambi.

#Abaaraha #KaalmeeWalaalkaa #Gurmad
#SomaliDrought

#iSupportGiftoftheGivers
Said Ibrahim (Said Buuna)

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: