32-Maalmood kadib, ballanqaadkii Madaxweyne Farmaajo ee Golaha Shacabka!!!.

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 15-kii Agoosto 2020, waxa uu hortagay Aqalka Shacabka BFS si uu ula wadaago natiijadii kasoo baxday Shirkii Dhuusamareeb (2) iyo madaxweyneenta kaalinta Goluhu uu ku leeyahay doorashada 20/21.

Khudbadda Madaxweynaha oo ahayd mid gaaban, waxa uu kahor ballanqaaday in uu dib ugu soo celinayo Natiijada kasoo baxda Shirka Dhuusamareeb (3) oo waqtigaas isu diyaarintiisu socotay, isla maalintaas ayuu u safray Dhuusamareeb.

20-kii Agoosto, waxaa kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb (3) warmurtiyeed saxiixiisa aysan ka qaybgelin Madaxweyne goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

27-Cishe ayaa laga joogaa Markii lasoo gaba-gabeeyay shirka, ilaa haatan Madaxweynaha Soomaaliya dib uguma laaban Golaha Shacabka BFS si uu ula wadaago Natiijada kasoo baxday Shirkii Dhuusamareeb (3).

“Golaha Shacabka oo ah Aas-aaska Nidaamka Dowladdeena waa hay’adda uga sareysa Matalaadda Shacabka oo waxa aad matashaan 15-Milyan oo Shacab ah, go’aamada aad gaartaan waa mid aad ku matasheen dadka aad matashaan, Natiijo waliba oo kasoo baxda Shirka Dhuusamareeb (3) sidaan oo kale ayaan dib idin kula wadaagayaa” waa hadalkii Madaxweynaha DFS uu kahor sheegay Golaha Shacabka 15-kii Agoosto 2020.

Guddoonka Golaha Shacabka waxa uu marar badan sheegay in dalka kaliya ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah, maadaama Aqalka uu meelmariyay Howlaha udub dhexaadka u ah Doorashadaas.

Xildhibaanno la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in Xaaladda Dalka iyo waqtiga kooban ee xil heynta hay’adaha dastuuriga ah in aysan suuragal ahayn in la qabto Doorasho qof iyo cod ah ama shuruud laga dhigo.

Waxa ayse sheegeen in go’aan Doorasho oo ay wadajir u meel-mariyaan Madaxda Heer Federaal iyo Dowlad Goboleed aan laga maarmin Golaha Shacabkana uu taageerayo, maadaama muddo xil isu dhiibka 4-tii sanaba la qabto la doonayo in aan dhinac looga bixin.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline