Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

20 Iskuul oo ku bur burtay Dabaylo ku dhuftay Xeebaha Soomaaliland

Duufaanta Sagar ee ku dhufatay Xeebaha Somaliland ayaa bur burisay 22 dugsi oo ku yaala gobolada Saaxil, Awdal iyo Salal, iyadoo waxbarashadii ka joogsatay Kumanaan ardey oo waxbarasho kaga jiray dugsiyadii ay dhigan jireen.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in goobaha caafimaadka iyo waxbarashada ay khasaare ba’an ka soo gaareen duufaanta.

Goobaha waxbarashada iyo caafimaadka oo gargaar loogu sameeyo dadku markay masiibo dhacdo ayaa la waayay dhamaan dhismayaashii kuwaas oo burburay iyo qalabkii dhex yaalay oo ay daadadku qaadeen.

Dhanka kale Lughaya, Gargaara, Geerisa, Bulaxaar, Ceelsheekh, Habaas weyn, Baki iyo deegaano kale oo ku teedsan xeebta ayay dugsiyadaasi ka dumeen, iyadoo Duufaanta Sagar 38 qof ku dishay xeebta Somaliland, waxaa la la’yahay 10 qof, gurmadkii u horeeyay oo ay ka qayb qaadanayaa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee UAE ayaa dadkaasi gaadhsiinaya Timir iyo kooxo caafimaad, sidoo kale Deegaanada qaar waxaa la sheegayaa in tuulooyinkii ay badda ku dareen Duufaantu.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline
Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...