var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

12-ka Oktoobar waa maalin Xushmo iyo Xaq dhawr mudan.

Ilwareed Online

Shacab kasta oo caalamka ku dhaqan waxay leeyihiin arimo muqadas ah, lama taabtaan ah isla markaana lagama gor-gortamaan ah, dadka Soomaaliyeed oo ka tirsan ummaddaha dunida ku nool waxaa dhankooda ku weyn oo aan laga soo mari Karin Astaanta Qaranimadooda ee ah Calanka ka wada dhaxeeya ee heshiishka lagu wada yahay.

Qowmiyad ahaan Soomaaliya sumadeeda waa Calankeeda, asal ahaan bulugloowga Soomaaliyeed wuxuu ka samaysan yahay Maro leh midabo iyo astaamo la is dhax-galiyay oo ka kooban kalarada Buluuga iyo Xiddigta cad ee bartanka kaga taalo, sifo ahaan wuxuu ka tarjumayaa Madax bannaanida, Sharafta, Karaamada iyo Gobanimada Dalkeena dhaca arlada Geeska Afrika.

Macno ahaan Calanka Soomaaliyeed wuxuu tilmaam cad ka bixinayaa Sooyaalkii hore iyo Hiigsiga ummaddeena, aragtidiisu waxey kugu beeraysaa Geesinimo, Dhiifoonaan, Farxad, Dal-jaceyl, Wadaninmo, Qaranimo iyo Qiiro Soomaalinimo.

12-kii October 1954-kii ayaa la soo bandhigay, halyeey MAXAMED CAWAALE LIIBAAN Eebbe naxariistii JANNO ha ka waraabiyee ayaa iqtiraacay {hinsiday} calanka aan maanta hoos harsaneyno, inkastoo uusan xilligaan nala joogin haddana wuxuu inaga mudan yahay Sharaf, Xaq dhawr iyo Duco maadaama uu Gayigeena uga tagay dhaxal aan marnaba duugoobeynin.

63-sanno ayaa ka soo wareegtay maalintii uu ifka u soo baxay Calankeena, xaqiiqdii quruxloowga calankeena waa loo Heesay, waa loo Sara kacay, waa la Salaamay, waa la Amaanay, waa loo Mashxaraday, waa la kool-kooliyay, waa loo Dhaawacmay, waana loo dhintay, had iyo goorna waxaa loo heelan yahay sidii uu mar walba samada uga dul ba’ban lahaa.

Taariiq ahaan markii ugu horeysay indha u roonaha calankeena waxaa lagu soo Bannaan bixiyay OFFICIO GOVERNO, ka hor intii aan la isku raacin qaadashadiisa waxaa la hor geeyay Wakiilkii Gumeysiga Talyaaniga, dood dheer dabadeed waxaa lagu najaxay Muxaafad iyo Mucaaradba in la isku raaco qaadashada calanka illaa iyo haatan dusheena ka dul babanayo.

Xilli walba kolka la gaaro 12-ka Oktoobar waxaa Dalkeena looga dabaal dagaa maalinta ku asteysan dhalashada calanka Soomaaliyeed, xuska maalintaan awgeed kor waxaa u kaca shucuurta shacbiga oo dhan, guri iyo goob walba waxaa laga dul suraa calanka Soomaaliyeed.

Cirka waxaa isku shareera oo qaaliyooba dharka iyo midabada laga sameeyo calanka, jaceylka loo qabo bulugloowgeena dartiis qaar ka mid ah gabdhaheena xurmada badan waxay huwadaan isla markaana ay isku qurxiyaan midabada uu ka kooban yahay calankeena, taasi oo muujinaysa Wadaninimadooda iyo Qaranimo jaceylkooda.

Nasiib daro jeclaantii shalay calanka loo qabay maanta ma muuqato, tixgalintii la siin jirey wey soo gaabatay, dadka qaarkiis waxay iloobeen qiimihii uu lahaa, ayaan daro Maamul isku sheegyo ka tirsan Gobolada Wadankeena booskii calanka waxay ku badasheen MIRAAQYO (Maryo) ay sameysteen, wadaniyiin badan ayaa arintaasi ka maroora dilaacsan.

La yaab waxaa leh sida aaney Soomaalida badankeed u fahamsaneyn muhiimada uu leeyahay calankooda, Soomali ahaan bulugloowga la wada caashaqsan yahay ayaa Soomaaliya Mideeya, bulsho ahaana anaga ayaa iska leh oo nalagu yaqaana, xushmo iyo xaq dhawr ayuu inaga mudan yahay, ilaalintiisana waaa WAAJIB ruux walba dusha ka saaran.

Hubaashii waxaan ku kalsoon ahay in shaqsi kasta qalbigiisa uu ku beeran yahay Muxubada iyo Dareenka jeceyl uu u qabo calankiisa, Si loo soo nooleeyo qiimihii uu lahaa calankeena waxaa MUWAADINIINTA oo dhan la gudboon sidii Gurmad loogu gali lahaa qaabkii loo xoojin lahaa Karaamada, Sharafta, Muunada iyo Heybada uu leeyahay calankeena, kaasi oo ah kan qura ee Soomaaliya oo idil wada kaafin kara.

WD: C/Laahi Xasan (Shiikhaalow)



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: