Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay Seddex maalin oo baroor diiq qaran ah.

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay Seddex maalin oo baroor diiq qaran ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in Seddexda maalin ee lagu gudajiro Calanka Soomaaliya Hoos loo dhigi doono, kadib xasuuqii ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgooyska Soobe.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxa uu ku baaqay in gurmad loo fidiyo dhibaneyaasha, waxa uuna bulshada ugu yeeray inay dhiigoodu yaboohan.

Madaxweynaha, ayaa waxa uu shacabka Somaliyeed ka codsaday inay u midoobaan argagixisada, isagoo intaa ku daray inaysan argagixisadu guuleysan doonin.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii rayidka ahaa ee ku nafwaayey qaraxaasi. Isaga oo Alle uga baryey in uu fadhigooda ka yeello Janada maadama ay ahaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuna howlanaa nolashooda maalin laha ah.

”Weerarkaan waa musiibo qaran oo aan ku waynay muwaadiniin aan waxba galabsan. sidaas darteed, waxa aan ku dhawaaqaaya seddex maalmood oo baroordiiq qaran ah, oo calankana hoos loo dhigo”

Madaxweynaha Somaliya, ayaa qoraal uu soo dhigay barta Villa Somalia ku leedahay Twitter-ka, waxa uu ku sheegay in weerarkii shalay uu cadeynayo inaysan argagixisadu joojin doonin dhibaatada ay shacabka ku hayso.

”Weerarka argagaxa leh ee maanta dhacay wuxuu cadeynaya in cadowgeena aysan joojin doonin inay dadkeena xanuun iyo silic marsiiyaan. Aan u midowno argagixisada.”