XOG: Ogow shanta ciyaaryahan re sida saxda ah Barcelona uga dooneyso suuqa kala iibsiga!

Waxaa si habsami leh u soconaya dhaqdhaqaaqa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee qaaradda Yurub.

Kooxda Barcelona ayaa ka mid ah kooxaha sida aadka ah uga kalluumaneysa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xilli ay sameeyeen laba saxiix.

Arthur Melo oo kaga yimid dhanka Gremio iyo difaacii hore Sevilla ee Clement Lenglet ayaa kusoo biiray safka Macallin Ernesto Valverde.

Haddaba waa kuwan shanta ciyaaryahan ee ay Barca liiska ku darsatay kuwaas oo ay isku dayayso inay gacanta kusoo dhigto xagaagan.

5- Hirving Lozano: Blaugrana ayaa dooneysa in laacibka PSV keento Camp Nou si uu bedel mustaqbalka fog ugu noqdo Luis Suarez oo hadda waayihiisa ugu dambeeyay ee xirfaddiisa galay.

4- Willian: waxa uu laacibkan kasoo muuqday diiwaan uu Valverde ugu talo galay inuu gacanta kusoo dhigo xagaagan, iyadoo laba jeer dalab ka gudbisay, waxaana 29-jirkan uu buuxin doonaa booska Ousmane Dembele oo laga yaabo inuu dhaqaaqo xagaagan.

3- Adrien Rabiot: ka dib markii uu kooxda ka tagay Andres Iniesta,  waxaa naadiga reer Catalonia ay baadi goob u gashay inay hesho ciyaartoyd khadka dhexe ka ciyaarta, iyadoo heshiiska shakhsiga ah la gashay laacibka reer France.

2-Thiago Alcantara: Kubbad qaabeeyaha cajiibka ah ayaa kasoo qalin jebiyay kulyadda La Masia ka hor inta uusan 2013 u dhaqaaqin Bayern Munich, balse agaasimaha ciyaaraha Barcelona ee Eric Abidal ayaa doonaya inuu laacibkan kusoo celiyo Camp Nou.

1- Eden Hazard: Hadafka koowaad ee Barcelona xagaagan ayaa ah inay xagaagan soo xero geliyaan kabtanka Belgium si ay uga fara maroojiyaan Real Madrid oo dooneysa laacibkan.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline