Wararka Ugu Waaweyn Ee Ciyaaraha Maanta Ka Jira Maxaa ka Cusub Kooxdaada.

Scholes Oo Shaqo Macalinimo Loo Magacaabay:

Rasmi: Paul Scholes oo loo magacaabay tababaraha naadiga Oldham Athletic oo League Two cayaarto ama heerka afaraad horyaalka Ingiriiska cayaarto..

Barcelona Oo Hishiiska Shaqsiga la Gahsay Jovic:

Barcelona ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaartay weeraryahanka naadiga Eintracht Frankfurt Luka Jovic.

Luka Jovic waa gool dhaliyaha Bundesliga ugu sareeyo xili cayaareedkan asigoo dhaliyay 14-gool waxaana milkiyadiisa iska leh naadiga Benfica micnaha amaah ayuu Frankfurt kula joogaa.

Young Oo Hishiiska U Kordhiyay Kooxdiisa:

Rasmi: Ashley Young ayaa Man United u saxiixay heshiis hal sano dheeri ah.

waayeelka Reer England Ayaa Sii Joogi Doona United Halsano Oo Dheeraad ah.

Juventus Oo Ku Dhawaaqday Inay La Saxiixdeen Ramsey:

Aaron Ramsey ayaa Juventus u saxiixay heshiis 4-sano ah wuxuuna todobaad walbo qaadan doonaa £400,000 (Sky Sports).

Juve maxay ku aragtay Ramsey oo ay £400,000 ku siinesaa todobaad walbo marka uu qandaraaskiisa Arsenal xagaagan dhamaado.

Sarri Oo Loo Sheegay In Aan Ka Ceyrin Doonin:

Tababare Maurizio Sarri culeeska ayaa ka dagay madaama maamulka kooxda u sheegeen in shaqadiisa halis ku jirin hawshiisa Stamford Bridge sii wadan karo (i News).

Chaberlin Oo la safray Liverpool:

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa Liverpool ula safray Spain si ay cad ceed diirimaad leh kaga soo helaan waxayna xerada Marbella tababar ku qaadan doonaan mudo afar maalmood ah.

Fadlan hoos ka eeg magacyada tababare Klopp safarka Spain u raaceen:

Fabinho, Van Dijk, Wijnaldum, Lovren, Milner, Keita, Firmino, Mane, Salah, Alisson, Henderson, Sturridge, Moreno, Lallana, Oxlade-Chamberlain, Mignolet, Shaqiri, Brewster, Robertson, Origi, Matip, Phillips, Jones, Hoever, Woodburn, Kelleher, Camacho, Alexander-Arnold, Christie-Davies, Whelan, Lewis.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline