Tababare Solari Oo Meesha Kasaaray Wararka Sheegaya In Uu Isco Isaga Dhaqaaqayo Real Madrid.

Warar soo baxayay asbuucyadii u danbeeyay soo baxayay ayaa sheegayay in Juventus, si lamid ah Liverpool, Arsenal iyo Chelsea.

Kooxahan ayaa dhammaantood danaynaya xidigan qadka dhexe ee reer Spain ee Isco, kaas oo ay doonayaan in ay kasoo dhaqaajiyaan Bernabeu.

Warkan ayaa yimid kadib markii laacibkani uu waayay safka koobaad ee tababare Santiago Solari, kaas oo shaqada kala wareegay tababare Julen Lopetegui.

Tababare Solari oo hadlayay kahor kulanka Copa Del Rey ee ay kooxdiisu wajahayso Melilla, ayaa kahadlay wararka la xiriirinaya in uu kooxda ka dhaqaaqayo Isco.

“Shaqadaadu(saxaafanimada) had iyo jeer waxay tahay in aad ka hadasho midka aan ciyaarayn.” Ayuu yiri Solari.

“Shaqadaydu ma ahan in aan sameeyo dooq qaldan. Dhammaanteen waxaa na saaran calaamad suaal, majiro qof lama taabtaan ah.” Ayuub hadalkiisa kusoo idleeyay tababaraha kooxda Madrid.

Tababaraha kooxda Real Madrid ayaana mid niyadda u qaboojinaya Isco si uu ugu qanciyo in uu sii joogo kooxda.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline