Tababare Ibraahim Suudaani oo ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Minneapolis:-Allaha u naxariiste Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota waxaa ku geeriyooday tababarihii hore ee Xulka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Kooxda Horseed Football Club, Macalin Ibraahim Maxamed Xersi (Ibraahim Suudaani).

Marxuumka oo muddooyinkii ugu dambeysay ku xanuunsanaa dalka Mareykanka ayay maanta tiisii noqotay, sida ay xaqiijiyeen eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay.

Allaha ja u naxariistee waxa uu ku dhashay Dalka Eretareeya sanadkii 1944-kii, waa uu yaraantiisii ku soo kala barbaaray Dalalka Eretareeya, Itoobiya iyo Suudaan, kadibna waxa uu yimid Soomaaliya oo ka soo kala noqday Ciyaartooy iyo Tababare.

Tababare Ibraahim Suudaani ayaa Xulka Qaranka Soomaaliyeed tababare u soo noqday intii u dhaxeysay 1977-kii illaa 1979-kii.

Sidoo kale intii u dhaxeysay 1976-kii illaa 1980-kii ayuu tababare u soo ahaa Horseed Football Club, isaga oo kula guuleystay koobab fara-badan.

Macalin Ibraahim Suudaani ayaa ka mid ahaa Macalimiintii Kubadda Cagta ugu wanaagsaneyd ee dalkeena soo maray.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline