RONALDO ON ThE HEADLINES: Juventus Oo Ugu Danbayn Ka Taqallustay Sassoulo, Iyo

Ciyaartan oo qaybteedi hore kusoo idlaatay 0-0 goolal la’aan ah ayaa markii la isku soo laabtay waxa ay guushu raacday Juventus.

Juve ayaa waxaa daqiiqaddii 50-aad hoggaanka u dhiibay xidiga goolkiisa la wada sugayay ee Cristiano Ronaldo kaas oo daqiiqaddii 50-aad shabaqa gaaray.

Isla Ronaldo ayaana daqiiqaddi 65-aad hogaanka u dheereeyay Bianconeri, isagoo iska aamusiyay cid kasta oo bandhiggiisa shaki galinayay.

Sassoulo oo isku dayday in ay soo laabto ayaysan u suurta galin in ay soo bar bareeso ciyaarta, walow ay daqiiqaddi 90-aad layimaadeen gool agoon ah.

Kaas oo aan waxba kabadalin ciyaarta, waxaana xuaid mudan in daqiiqadii 90aad ciyaarta laga saaray Douglas Costa kaas oo candhuufay ciyaaryahan katirsan Sassoulo.

Ciyaarta ayaana waqtigii loogu talagalay kusoo idlaatay 2-1 oo ay guushu kuraacday Juventus.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline