Maurizio Sarri Oo Xidigan Katirsan Chelsea Ku Tilmaamay Mid Ka Sarreeya Messi Iyo C.Ronaldo.

Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea Maurizo Sarri ayaa sii wada ammaanta uu kala dul dhacayo xidigaha kooxdiisa.

Waqtiganna waraysi uu bixiyay macallinka reer talyaani ayaa Eden Hazard kusheegay mid heer ahaan kasarreeya xidigaha adduunka haystay 10-kii sano ee uu danbeesay ee CR7 iyo Lionel Messi.

Hazard ayaa seddex jeer shabaqa soo taabtay kulankii ay kooxdiisu xaaqday Cardiff City, tababare Sarri ayaana ka hadlay aragtidiisa ku aaddan kabtanka Belgium.

“Waxaan u malaynayaa in Hazard uu kamid yahay ciyaaryahanada ugu wanaagsan yurub, balse waan baddalayaa maankayga, laga yaabee in uu isagu yahay kan ugu wanaagsan.”

Chelsea ayaa guulaysatay 5-teedi kulan ee ugu horraysay ee Premier League, xilliganna waxa ay hoggaanka kula fadhiyaan Liverpool.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline