Manchester United oo wada hadallo la furatay mid ka mid ah xiddigaha ay sida weyn u doonayaan xagaaga!

Naadiga Manchester United ayaa wada hadallo hordhac ah la billawday wakiillada Jadon Sancho, si ay kaga la hadlaan qaabkii ay kusoo qaadan lahaayeen xiddiggan marka la gaarro suuqa xagaaga.

Xiddigga kooxda Borussia Dortmund ayaa bandhig qurux badan ka sameeyay kullankii qarankiisa England uu xalay u ciyaarray, isagoo caawiye ka ahaa goolkii koowaad ee Raheem Sterling ka dhaliyay qaranka Czech Republic ciyaar kusoo idlaatay 5-0.

Xiddiggan ayaa horraanba diiradda u saarnaa Manchester United xittaa xilligii Jose Mourinho, waxaana xiisaha ay xiddiggan u qabto dib usoo noolleysiiyay Ole Gunnar Solskjaer.

Macallinka ku-meel-gaarka ah ayaa maamulka United ku cadaadiyay inay xiddiggan lasoo saxiixdaan.

Red Devils ayaa tallaabbadii ugu horreysey u qaadday lasoo saxiixashada xiddigga qaranka Saddexda Libaax, iyagoo wakiilladiisa la billaabay wada xaajood ku aaddan lasoo saxiixashadiisa.

Wararka ka imaanaya Ingiriiska, ayaa tibaaxaya in Manchester United ay la diyaar tahay qiimo dhan £70m, iyadoo sidoo kale lagu soo warramayo inay sare u qaaddo qiimahaas illaa ay gaarsiiso £100m oo ah qiimaha ay BVB dul dhigtay Sancho.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline