Ma Ahan Kepa: Gool Hayaha Uu Maurizio Sarri U Arkay Baddalka saxda Ah Ee Courtious Oo La Ogaaday.

Tababaraha Chelsea Maurizio ayaa la ogaaday inuusan ahayn Kepa Arrizabalaga dooqiisa koobaad ee uu usoo qaatay baddalka gool Haye Thibaut Courteous oo kubiiray Real Madrid.

Tababaraha cusub ee Blues ayaa si dhab ah udoonayay Jan Oblak si uu ugu badalo gool hayaha reer Belgium ee u dhaqaaqay Bernabeu.

Chelsea ayaa doonanaysay in ay bixiso 90-malyan oo ah lacagta lagu burburin Karo heshiiska Oblak iyaga oo aaminsanaa in uu doonaya usoo dhaqaaqista Stamford Bridge.

Balse gool hayahan reer Slovenia ayaa Iska diiday inuu kubiiro Chelsea isaga oo tababare baddalkeeda tababare doortay sii joogista kooxdiisa Atletico Madrid.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline