Liverpool Oo Warbixin Kasoo Saartay Dhaawicii Firmino Isha Kasoo Gaaray Kulankii Tottenham, Iyo Haddii Uu Ciyaari Karo kulanka PSG.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xaqiijisay in Roberto Firmino uusan qabin dhaawac halis ah ka qabin isha kadib dhaawac kasoo gaaray kukankii ay guusha 2-1 ka gaareen Tottenham Hotspur.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa loola cararay isbitaalka si loo qiimeeyo xaaladdiisa caafimaad iyada oo markii laga soo saaray.

Reds ayaana shaacisay in uusan Roberto Firmino kamaqnaanaan doonin kulanka furitaanka koobka UEFA Champions league, kaas oo ay ka hortagi doonaan PSG.

“Baaritaanka isbitaalka waxaa lagu ogaaday in uu jiro dilaac isha ah, balse ma noqon doonto wax yeello sii jiri doonta.” Ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay kooxda.

“Arrintan ayaa waxaa qiimayn doona, daaweenna doona shaqaalaha caafimaadka ee kusugan xerada tababarka Liverpool(Melwood), kahor inta aan laqaadan go’aan kasta oo kusaabsan haddii uu Firmino ciyaari kara kulanka talaadada kadhici doona Anfeild.”

Firmino ayaa dhaliyay gool kamida 2-dii gool ee ay Liverpool kaga adkaatay Tottenham kahor inta uusan garoonka uga bixin dhaawac gaaray kadib markii ay isku dhaceen daafaca reer Belgium ee Jan Vertonghen.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline