Guuldarro iyo dhaawac, saameyn ceynkee ah ayay Barcelona ku yeellaneysaa dhaawaca Messi?

Xulka qaranka Argentina ayaa guuldarro 3-1 ah kala kulmay dhiggooda Venezuela ciyaar saaxiibtinnimo oo labada xul ay wada ciyaarreen.

Hase ahaatee, akhbaarta aanan wanaagsanayn ayaa ah in uu dhaawac soo gaarray Captain-kooda Lionel Messi.

Weeraryahanka kooxda Barcelona ayaa laga saarray kullanka soo aaddan ee Argentina ciyaarrayaan, isla markaasna ay wajahayaan dhiggooda Morocco.

Xiriirka kubadda cagta Argentina ayaa ee magacooda loo soo gaabiyo AFA ayaa xaqiijiyay in dhaawac uu soo gaarray xiddiggooda kullankii xalay, sidaas darteedna uusan ciyaarri doonin.

Inkastoo xaalka Messi uu yahay mid la is weydiinayo, ayaa haddana xiriirka dalkiisa waxa ay caddeeyeen in dhaawaca uusan ahayn mid daran, sidoo kalena uu taam u noqonayo kullamada soo aaddan ee ay kooxdiisa ciyaarri doonto.

Barca ayaa 30-ka bishan March la ciyaarri doonto kooxda Espanyol kullan ka tirsan horyaalka Spain ee La Liga, La Pulga ayaana kullankaas diyaar u noqon doona inuu ciyaaro.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline